Thursday, June 8, 2023

Xilliga la qabanayo Wareega labaad ee Doorashada Madaxweynaha Turkiga oo la shaaciyey

Guddiga Sare ee Doorashada Dalka Turkiga ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inay dalkaasi ka dhici doonto Wareegada labaad ee Doorashada Madaxweynaha dalkaasi, kadib markii lagu kala bixi waayey wareegii koowaad.

kadib markii la tiriyay codadkii Doorashadii Axadii shalay ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayuu Guddiga Doorashada ku dhawaaqay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku guuleystay 49.51% codadkii la dhiibtay, iyadoo uu kaalinta labaad galay Kemal Kilicdaroglu oo helay 44.8, halka kaalinta saddexaad uu galay Sinan Ogan oo helay 5.2%.

Wareegga labaad ee Doorashada Madaxweynaha Turkiga ayaa la xaqiijiyay in la qaban doono 28-ka May. Madaxweyne Erdogan ayaa qarka u saarnaa inuu guuleysto, laakiin waxaa u harsanaa wax ka yar 1%.

Ad

Doorashada Wareega labaad ayaa dhex mari doonta Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Musharaxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!