Sunday, June 22, 2025

Xiisad Doorasho oo ka taagan Gaalkacyo iyo Qoorqoor oo wajahaya Diidmada Beesha RW Rooble

Xaalad kacsan ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug, kadib markii uu khilaaf ka dhashay habka loo maamulayo kuraas ka mida Golaha Shacabka ee taalla magaaladaasi.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamada kasoo jeeda Beesha Ra’iisal wasaaraha ay degeen qeybo ka mida magaalada, iyagoo ka gadoodsan qaabka uu kuraasta Beeshaasi ee harsan u maamulayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo hadda Gaalkacyo ku sugan.

Beesha Sacad ayaa ka biyo diiday in Madaxweyne Qoorqoor uu faragelin ku sameeyo kuraastooda, isagoo wata xubno uu doonayo inay kusoo baxaan kuraastaasi, waxaana khilaafka ugu danbeeyay uu ka dhashay qaabka loo soo xulayo ergada.

Ad

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka mida siyaasiyiinta sida weyn ugu kacsan Axmed Qoorqoor ayaa yiri: “Gaalkacyo waxaa ka taagan xaalad kacsanaan, dadka deegaanku ay Qoorqoor uga dalbanayaan cadaalad in uu ku maamulo kuraasta Xildhibaanimo ee doorashadoodu taagan tahay! Waa nin aqoondarradiisu ay gaarsiisay in Odoyaashii iyo reeraha kuraasta la dooranayo lahaa hortooda uu uga hadaaqo in soo xushaan ergada 65% ka mid ah, inta kalena asagu uu soo qorayo!”

Wuxuu Axmed Fiqi is-weydiiyey inuu Qoorqoor yahay oday dhaqameed ka beesha?, wuxuuna ugu baaqay beelaha Mudug inay u midoobaan ilaalinta xuquuqdooda siyaasadeed iyo cidda doorashada Baarlamaanka ku matalaya.

“Waa inaysan raalli ka noqon kala qeybinta iyo wax isdaba-marinta ay Qoorqoor iyo adeegayaashiisu ka dhex wadaan beelaha.Reer Mudug waxaan ku leeyaha”Qoorqoorkii la tag u bartay, ka dhiciya waa ku adag tahay, laakin Mudug waa in ay noqotaa meeshii dhurwaaga lagu edbin lahaa ayadoo la ilaaliya nabadda iyo xasiloonida!” ayaa ka mid ahaa qoraalka uu Fiqi ku weerarray Axmed Qoorqoor.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON