Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xiisad ciidan iyo xaalad amni ay ka jirto magaalada, kadib markii l shaaciyey Guddiga soo xulaya ergada Dooraneysa kursiga Beesha Cali-Madaxweyne ee Xawaadle.
Maleeshiyo ka gadoodsan qaabka loo xulayo ergada ayaa dhaqdhaqaaq ka wada magaalada Beledweyne, iyadoo diidan boob ay sheegeen in kursiga lagu sameynayo. Waxaana laga cabsi qabaa in la hakiyo doorashada iyadoo Guddiga Doorashada Hirshabeelle uu xalay shaaciyey lix xubnood oo soo xulaya ergada kursiga HOP058.
Isla xalay xili danbe waxaa shaaciyey inuu tartanka kursigan isaga haray Nuur Iidow Beyle oo hore ugu fadhiyey, kaasoo taageero ka heystay kooxda Farmaajo muddo dheerna ahaa saaxiib u dhow, wuxuuna qoraal uu soo saaray inuu sheegay inuu ka tanaasulay tartankii uu u geli lahaa kursiga Beesha.
Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay wadato musharax kale oo ay dooneyso inuu kusoo baxo kursiga HOP058, iyadoo musharixiin badan ay kursigan u taagan yihiin sida madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, balse Nuur Iidow uu xaqiiqsaday inuusan kusoo bixi doonin, kadib markii la shaaciyey magacyada Guddiga.
Xaalada magaalada Beledweyne ayaa kacsan iyadoo kursigan marar badan dib loogu dhigay cabsi laga qabay inay xiisad ka dhalato.