Sunday, July 13, 2025

Xiisad ka taagan Boosaaso: Taliyaha Ciidamada PSF oo diiday xil wareejin iyo Ciidamo hor leh oo kusii jeeda

Xiisad weyn ayaa ka taagan Magaalada Ganacsiga maamulka Puntland ee Boosaaso, kadib markii ay halkaasi tageen ciidamadii Hay’adda SPF oo ah ciidamo gaara oo Mareykanku tababaray, iyagoo diidan xil ka qaadis lagu sameeyay taliyahooda Maxamuud Cismaan C/llaahi.

Dadaal loogu jiray inuu xilka wareejiyo Aagaasimaha hay’adda PSF ayaa shaqeyn waayey, markii qoraal ay maanta soo saareen Madaxda Hay’adda ay ku caddeeyeen inaysan xilka ku wareejin doonin dad ay ugu yeertay ‘Caddow’.

Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa xil k qaadis ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), balse waxaa diiday xil ka qaadistaas, kana horyimid taliyaha PSF, taasoo dhalisay xiisad.

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamadii Puntland ee difaaca uga jiray gobolka Sanaag ayaa qayb ahaan ka baxeen degaanka Kalgubataale, iyagoo kusii jeeda magaalada Boosaaso oo xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka jiraan.

Xaaladda Boosaaso oo laga cabsi qabo inay colaad isu bedesho ayaa waxaa soo farageliyay odayaasha dhaqanka iyo isimada Puntland oo kulamo degdega ka leh qaboojinta xaaladda, iygoo bilaabay inay baaqyo nabadeed soo saareen iyo shirar ay yeelanayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON