Xiisadii u dhaxeysay dallaka Suudaan iyo Itoobiya ayaa mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii dowladda Suudaan ay ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay si bareer ah u dileen 7 askari oo Suudaani ah iyo qof rayid ah oo ay maxaabiis ahaan u haysteen ciidamada Itoobiya.
Taliyaha Ciidamada Suudaan, ahna Guddoomiyaha Golaha Sare ee Talada dalkaasi, Abdel Fattah Al-Burhan ayaa gaaray gobolka Al-Fasha ee xuduudka Suudaan iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in jawaabta Suudaan ka bixin doonto askartooda lagu laayey degaanka Al-Fashqa ay noqon doonto mid adag.
Dowladda Suudaan Khartoum ayaa sidoo kale u yeertay safiirka Itoobiya u fadhiya dalkeeda, waxayna safiirkeedii kala baxday magaalada Addis Ababa, si ay wadatashi ula yeelato, iyadoo Itoobiya ay beenisay eedeynta Suudaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay bilowday inay dacwad u gudbiso golaha ammaanka iyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka oo ka dhan ah dowladda Itoobiya.
Maqribnimadii shalay oo Axad ahayd ayay ciidanka Suudaan ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya in ay dil toogasho ah ku fuliyeen askarSuudaan ah, iyagoo meydadkooda oo meel fagaare ah ku soo bandhigay, waxayna caddeeyeen in ay ka jawaabi doonaan “dhaqankan fulaynimada ah sida ugu habboon”.
Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa gurmad ciidan oo ka socda taliska qeybta Bari u diray deegaanka Al-Fashqa Al-Sughra, iyadoo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada, iyadoo ay wehliyaan saraakiil ciidan oo uu horkacayo ku xigeenka madaxa howlgallada, Khaled Abdeen Al-Shami.
Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ugu baaqday dowladda Suudaan in ay ka fogaato xaalad kasta oo colaadeed, isla markaana ay qaado tallaabooyin xaaladda dejin kara. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxay sheegtay in dhacdadan aan kor ku soo xusnay ay ka dhacday gudaha dhulka Itoobiya kaddib markii ay gudaha u galeen cutub ka tirsan ciidanka caadiga ah ee Suudaan oo ay taageerayaan canaasir ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, kuwaas oo ka soo horjeeda ciidammada federaalka Itoobiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa intaas ku dartay – bayaan ay soo saartay maanta oo Isniin ah – in khasaaraha nafeed uu ka dhashay iska horimaad dhexmaray cutubkan Suudaaniga ah iyo malleeshiyo maxalli ah, iyadoo ku nuux-nuuxsatay inay furi doonto baaritaan lagu ogaanayo xaaladihii dagaalladaas. isagoo muujiyay sida ay uga xun yihiin khasaarahaas.
“Itoobiya waxay si cad u diiddan tahay qalloocinta xaqiiqooyinkan ay sameeyeen ciidamada Suudaan, kuwaas oo si xaq-darro ah u eedeeyay Itoobiya halka qaybteedu ay si daan-daansi ah uga tallaabeen xuduudka Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka Dowladda Itoobiya.

