Laba xildhibaan oo cusub ayaa maanta ku soo biiray Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii doorashadoodu ka dhacday magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada la doortay ayaa kasoo jeeda beelaha banaadiriga, waxayna ka mid ahaan kuraastii beelahaasi ee ka harsaneyed beelaha Banaadiriga.
Xildhibaanada la doortay waxay kala yihiin:
Kursiga koowaad waxaa ku guuleysatay Biibi Khaliif Maxamed oo heshay 47 Codm halka Qamar Islow Nuur oo tartan la gashay ay heshay 4 cod.
Kursiga labaad waxaa ku guuleystay Lutfi Shariif Maxamed wayaa cod qura kursiga ku helay isagoo helay 26 cod. Amiir Axmed Maxamed ayaa isna helay 25 Cod.
Goobjooge.com