Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan Axmed Taajir oo ku dhawaaqay inuu iska casilay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland [Akhriso]

Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan  (Axmed Taajir) ayaa ku dhawaqay inuu iska casilay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo kadib markii xalay laga sii daayey xabsigii la dhigay ayuu sheegay inuu aad uga xumaaday Xarigii loogu geystay Magaalada Kismaayo, kadib markii xasaanadda laga qaaday, laguna soo eedeeyay inuu mooshin ka qoray maamulka Axmed Madoobe.

“Anigoo ah xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir) ahna xildhibaan laga soo doortay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, waxaan u sheegayaa shacabka aan metalo iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed, kadib markii aan arkay kala aragti duwanaan soo noqnoqotay iyo khilaaf soo noqnoqday iyo xariggii la ii geystay 30 January 2018, waxaan halkaan ka caddeynayaa inaan u tanaasulay shacabka reer Jubbaland iyo Hormarkooda, ayaa waxaan go’aansaday in aan iska casilo xilkii xildhibaannimo ee aan u hayey shacabka reer Jubbaland, gaar ahaan shacabka degmada Afmadow, waxaan ka shaqeynayaa mar walbo wax walbo oo hormarin kara shacabka Jubbaland” ayuu yiri Taajir.

Xildhibaanka ayaa Shuruudihii lagu sii daayay waxaa ka mid ahaa inuu Warbaahinta la hadlo, kadibna uu shaaciyo inuu ka tanaasulay xilkiisii xildhibaanimo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON