Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Cayaarjecel) ayaa ka hor yimid qorshaha dowladda Somalia ku dooneyso in qof ajnabi ah loogu dhiibo maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaanka oo ka mida xubnaha sida wey u taageersan dowladda hadda jirta ayaa sheegay in Kalfadhigii baarlamaanka ee shalay baaqday ay aheyd in looga doodo wax ka badalka Xeerka Maamulka Bankiga dhexe oo ay soo ansaxiyeen Golaha wasiirada.
“Sharci No. 130, qodobka 4aad waxaa uu ka hadlayaa maamulka bangiga dhexe oo faqrada 1aad ee qeybta 4aad ka hadlaya maamulka sida; inay ka koobnaadaan guddoomiye, ku-xigeen iyo 5 kale oo fulinta ku jirin. Sharuudaha laga rabo gudoomiyaha waxaa ka mid ah in uu Soomaali yahay kana soo shaqeeyay dalka gudahiisa..” ayuu yiri xildhibaan Cayaarjecel oo soo xigtay sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdi Shire ayaa sheegay inay soo gaareen in sharuudahaas la laalayo si ay jagadaas ugu tartami karaan dad aan dhalasho Soomaali ah heysan. wuxuuna yiri: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargalinayaa in xildhibaanada Soomaaliyeed ay ka gudan doonaan waajibaadka ka saaran arrintaan, aysana ogaalaan doonin in qof ajnabi ahi uu madax ka noqdo Bangigeena Dhexe…”
Waxaa sii kordhaya diidmada dadka Soomaalida ah kala hor yimaadeen qorshaha dowladda Federaalka ee ah in nin ajnabi ah una dhashay dalka Ingiriiska loo dhiibo guddoomiyenimada Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO NINKA LOO WADO BANKIGA DHEXE EE SOMALIA
Maxaad ka taqaan Ninka Madaxda Dowladda Somalia u xusheen inuu noqdo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe..?