Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Fiqi: “Kheyre & Xukuumadiisa waa inay is-casilaan intaan Dalku gacanta ka bixin…”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre u soo jeediyay inays xilka iska casisho inta aanu dalka gacanta ka bixin.

Xildhibaan oo ka hadlayey dhibaatadda ka taagan mushaar la’aanta soo wajahday ciidamada xoogga dalka iyo amni darrada waxba laga qaban waayey ee caasimadda Muqdisho ayaa kula taliyey Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa inay xilka iska casilaan.

“Xukuumadda Kheyre waa ay ku fashilantey amnigii caasimadda iyo kii dalka, waxaan soo jeedinayaa in intaan dalku gacanta ka bixin ay u turaan umadda isna is-casilaan asaga iyo xukuumaddiisu, waayo marin habaabin, riwaayad joogto ah iyo fara-taagtaag dal laguma hogaamin karo!..”

Xildhibaan Fiqi

“Waxaa hore loogu fashilmay amniga gobolka Banaadir, sababo maamul xumo iyo isla xisaabtan la’aan, nin jeclaysi iyo musuqmaasuq la xiriira, waxaana hadda muuqata in cudurkii musuqmaasuga iyo maamul xumadu uu u gudbey ciidamadii dhufaysyada hore ku jiray, ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo is weydiiyey wixii dowladda ay qabaneysa muddo 2 sano ah oo loo diiwaangelin waayey ciidamada.

Ad

“Ciidamada Dhanaane ka soo baxey ee u badnaa guutadii 14 Oktoobar loo bixiyey waxaa la aasaasay mudadii madaxda dalka joogtaa ay talada hayeen, waxaana soo bixitaankoodii lagu fasiray in diiwaangelin loogu yeeray, haddii ciidamadii sanad iyo bar ka hor la qorey aysan diiwaangashanayn, muxuu madaxweynuhu wasaaradda gaashaandhigga waqtigii dheeraa ee uu fadhiyey ka dhex qabanayey?, maxeyse xukuumadda Khayre qabatay haddii dhowr kun oo askari ay ku guuleysan weyday in la diiwaangaliyo mudadaas dheer…” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON