Sunday, July 13, 2025

Xildhibaan Fiqi: “Madaxweynaheena oo Deeqsi ah wuxuu Itoobiya Ciid Mubaarak ahaan u siiyey 4 dekedood..”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay deeqsi ciid mubaarak ahaan u siiyey Itoobiya 4 dekadood.

Isagoo ka hadlayey booqashadii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ku yimid Muqdisho iyo heshiiskii ay wada gaareen labada dowladood ayuu xildhibaanku hoosta ka xariiqay  dhowr arrimood oo ku dhex jiray qoraalkii ay wadajirka ah ee labada dal.

“Abiy Axmed oo booqashadiisa ku soo aadiyey maalintii labaad ee ciidda barakaysan ayaa Madaxwaynaheena oo deeqsi ah Ciid Mubaarak ahaan u siiyey 4 dekedood iyo magaalooyinka Waaweyne ee Soomaaliya in Itoobiya qunsuliyadahooda ay ka furan karto si ay arrimaha deegaanadaas ka jira ay ula socoto ama xafiisyadeedaasi ay u noqdaan kuwa laga xukumo goboladaas..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Fiqi oo su’aal ka keenay sababta Imaaraadka loogu diiday dekada Berbera.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay “Madaxweynaha haddii uu sidaas deeqsi u yahay muxuu imaaraatka halka deked ugu diiday?? Mase ciidda barakaysan farxadeedii ayaa lagu gaaday odoga!!..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON