Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibannada mooshinka xil ka qaadista ka keenay madaxweynaha Farmaajo ayaa baaq u diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xildhibaanka ayaa is hortaagay iridka Madaxtooyada, isagoo ugu baaqaya madaxweynaha inuu furo albaababada madaxtooyada, xayiraaddana ka qaado guddoomiyaha Baarlamaanka oo maalintii labaad xayiraad la saaray dhaqdhaqaaqiisa.
“Madaxweyne, halkaan waa Villa Somalia (Guriga Soomaaliyeed), ma ahan Hotel ama Villo qof gaar ahi leeyahay, fadlan albaabada u fur. Dulqaadna u yeelo Xildhibaanada guddoomiyahooda booqanaya. Xaq maahan inaad adigu gurigaaga Xildhibaanno ugu yeerato sakaay oo aad kula kulanto, Guddoomiyihii golaha shacabkana aad Xildhibaanadii uu madaxda u ahaa amar hordhigto ahna inaan loo tagi karin…” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo farta ku fiiqaya iridka Madaxtooyada.
Wuxuu sii saarciyay: “Fur albaabka Mudane Madaxweyne, albaabkaan Soomaaliya iyo dadka mas’uuliyiinta waligeed lagama xirin..”