Friday, April 19, 2024

Xildhibaan Fiqi: “Waxaa la sugayaa shakhsiyaad dalka taladiisa isku koobay oo siyaasad xumo… [Akhriso Weerar Culus]

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka ayaa weerar yaab leh ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya, isagoo dusha u saaray xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex qaradxay Somalia iyo Kenya.

Wuxuu madaxda Soomaaliya iyo kooxda talada Villa Somalia heysa ku tilmaamay “KOOX OROD DHEER, OOHINNA BADAN..’ isgoo yiri: “Ma haboona In lagu hor ordo isla markaana ilama ahan in umadda ookiyaalaha indha-sarcaadka si fudud loogu geliyo, ayadoo caadifadooda kacsan laga faa’idaysanayo”.

Xildhibaan Fiqi ayaa soo jeediyey in la sugo jawaabta ay bixiyaan madaxdii warqadda cabashada Kenya ay soo gaartay 10 maalmood ka hor oo jawaab ka bixin weyday illaa xaalku meesha uu hadda marayo gaaray sida uu yiri wuxuuna shaki ka muujiyey in go’aanno kasoo baxaya hay’ado dawladeed la sugayo.

Ad

“Waxaa la sugayaa waa shakhsiyaad dalka taladiis ayagu isku koobay oo saamaynta hab-dhaqankooda gurracan iyo siyaasad xumadoo ay dalka ku yeelanayaan aanba ka war-heyn…” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Wuxuu sheegay in dadkii difaacayey Xaraashka shidaalka Soomaaliya lagu siinayey si sharci-darro ah oo mugdi ku jiro shirkado shisheeye aysan Maanta umadda isku hor oohin karin, taasina aysan jirin cidna ka yeeleysa qiiradaas jaban, wuxuuna soo jeediyey in la difaaco ciddii kale ee soo damacda kheyradka iyo dhulka Soomaaliya danta ay rabtaba ha ka yeelatee.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON