Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay xukuumadda Soomaaliya lacag yar oo ay u qoondeysay fatahaadda dalka ka dhacay oo ay ugu darran tahay magaalada Beledweyne.
Wuxuu sheegay inay la kulmeen Guddiga Gurmadka ee xukuumaddu magacawday, ayna u sheegeen in Dowladda Somalia ay ugu deeqday dadka ku waxyeeloobay fatahaadda dalka oo dhan lacag 500-kun Doolar ah, wuxuuna caddeeyay inay guddiga u sheegeen inay khalad tahay in magaalada Beledweyne loo quuri waayo 500 kun Doolar ee xukuumaddu sheegtay inay ugu talogashay fatahaadda dalka.
“Xafiiska Ra’iisal wasaaraha mar labaad iyo mar saddexaad ayaan ashtako ayaan ka nahay, sanadkii hore ayaa la sheegay in Hal milyan lacag ka badan lagu deeqay fatahaaddda, kadiba lagu qeybiyey 4.5, taas marka ay xusuustaan naceybka dowladda aya ku sii fogaanaya, waxaana ka rabnaa xukuumadda inay warbaahinta tagaan oo ay shaaciyeen waxa ay ugu talogaleen dadka reer Beledweyne..” ayuu yiri Xildhaan Daahir Amiin Jeesow.
Xildhibaan Jeesow ayaa ku adkeystay inaysan baryeynin xukuumadda ee ay la xisaabtami doonaan, kana doonayaan inay wax oo muuqda u qabtaan dadka kumanaanka ah ee geedaha saaran ayna go’doomiyeen fatahaadda webiga Gobolka Hiiraan.