Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax caawa ka dhacay Wadadda Maka Almukarama, gaar ahaan agagaarka Xaaji Baasto, iyadoo la sheegay in qaraxa loola dan lahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gaari qarax laga soo buuxiyey ayaa lagu qarxiyey laba Gaari oo uu la socday Xildhibaan C/qaadir Carrabow Ibraahim, waxaana ka badbaaday xildhibaanka oo saarnaa Gaari aysan xabaduhu karin, balse waxaa ku dhintay laba askari oo ka mida ilaaladiisa oo la socday Gaari ilaalo u ahaa, waxaa kaloo qaraxa ku dhintay darawalka Mooto Bajaaj, iyadoo ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale.
Warar qaar ayaa sheegaya,in Qaraxa uu ahaa Miino wadadda la dhigay, halka warar kale sheegayaan inuu ahaa gaari goobta la dhigay. Xildhibaanka Carraboow ayaa goobta laga kaxeeyay, waxaana rasaas fara badan halkaasi ka riday ilaalada xildhibaanka iyo askar ku sugneyd Isgoyska Xaaji Baasto.
Dadka dhaawacmay ayaa u badan dad ka qeyb galayey Xaflad lagu furayey Hoteel cusub oo caawa uun xariga laga jari lahaa.