Friday, June 27, 2025

Xildhibaan ka tirsan Puntland oo lagu dhaawacay Qarax loogu xiray Gaarigiisa [Sawirro]

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland lagu qarxiyay Gaari uu saarnaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka xerada Daraawiishta ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ka dhashay Miino loo xiray  xildhibaanka Gaarigiisa. Dhaawaca ayaa xildhibaanka ka haleelay qeybta danbe ee jirkiisa oo u badna lug burbur ka gaaray.

Xildhibaanka ayaa lagu magacaabaa Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland, waxaana gaaray dhaawac culus, iyadoo la dhigay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka markii uu qaraxu qabsaday uu kasoo baxay hotelkii uu degnaa. xildhibaanka ayaa ka mida Guddiga difaaca gobolka Mudug.

DAAWO SAWIRRO

17190546_723682494463960_570991819937585287_n

17190480_10211239386316999_8652159732864814705_n

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON