Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan lagu doortay Jowhar oo Rasaas Daqiiqado socotay lagu soo dhoweeyay xaafad ka tirsan Muqdisho

Soo dhoweyn nooc cusub ah ayaa maanta Muqdisho loogu sameeyay xildhibaan kusoo baxay Doorashadii Baarlamaanka Federaalka ee ka dhacday magaalada Jowhar Isniintii 31 Janaayo 2022.

Yuusuf Ibraahim Afrax (Yusuf Kabaalle) ayaa maanta lagu soo dhoweeyay garoonka Muqdisho oo ay uga hortageen asxaabtiisa, laakiin soo dhoweyn nooc cusub ah ayaa ka dhacday xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeynley oo uu degan yahay.

Rasaasta qoryaha waaweyn ee Boobayaasha culus iyo kuwa fudud ayey ciidamo u daacad ah xildhibaanka ridayeen muddo ku dhow 30 daqiiqo, waxaana dhawaaqa rasaastaasi ay cabsi iyo argagax ku riday dadkii degaankaasi oo qaarkood u qaateen inuu dagaal socdo.

Ciidamada xildhibaankan ayaa sidoo kale maalintii Isniinta ee uu kusoo baxay Doorashada u riday rasaas fara badan oo dabaaldeg ah, waxaana soo dhoweynta maanta ka qeybgalay xubno uu ka mid ahaa Guddoomiyaha degmada Dharkeynley.

Degmada Dharkeynley ayaa ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir ee ay ku badan yihiin maleeshiyooyinka u abaabulan qaabka beeleed oo maamulka Gobolka Banaadir uu maareyn waayey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON