Tuesday, June 24, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Dhacdo ugub ku ah furitaanada kalfadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya!”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee mucaaradka ku ah madaxda dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahiyey xaaladda furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka ee maanta.

Mahad salaad ayaa sheegay in Xildhibaanada Aqalka Sare aysan imaan xarunta, iyagoo  diiday inay ka qayb noqdaan furitaanka Kalfadhiga. Sidoo kalena Xildhibaanada Golaha Shacabka ee madasha xoo xaadiray aad ayay u yaraayeen sida uu yiri marka la barbardhigo furitaanadii midkaan ka horeeyay!.

“Waxaa hoolka soo buux dhaafiyay dhowr boqol oo haween ah oo laga keenay degmooyinka Gobolka Banaadir oo wata sawirada Madaxweynaha iyo calamada Gobolka Banaadir. Taasoo ah dhacdo ugub ku ah furitaanada kalfadhiyada Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya!..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay baraha bulshad.

Sawirrada uu faafiyey xildhibaan Mahad Salaad aya u badnaa kuwo la qaaday bilowgii fadhiga, iyadoo markii dambe la arkayey in fadhiga xarunta Je. Kaahiye ee Akadeemiyadda Booliska uu ahaa mid buux ku dhow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON