Sunday, July 13, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Farmaajo waa Dagaal ooge soo daahay, shalay isagoo Baasuuke iyo BKM sita ayuu..”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Federaalka ayaa si kulul u weerarray Madaxweynaha waqtiga xilkiisu sii dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo ku tilmaamay dagaal ooge.

“Farmaajo shalay isagoo Baasuuke iyo BKM sita ayuu sidaan u bannaambixi jiray 2016-kii. Cabdi Billeyaal tuuteysan oo Gen. Caanood ilmo adeer yihiin uu watana waa waardiyeen jireen. Cid qabiil habel ayaad tahay ama qoriga maxaad u sidataa tirina majirto. Farmaajo maanta wuxuu leeyahay qabiil ayaad tihiin, Bastoolad ma qaadan kartaan, bannaabaxna ma qaban kartaan” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal kulul ku weeraray Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka oo fikirkiisa ku cabiray soo dhoweyn 4 sano ka hor Muqdisho loogu sameeyay Farmaajo oo xilligaasi musharax ahaa, isla markaana soo dhoweytiisa ka qeyb galeen ciidamo hubeysan ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay: “Kaligitaliye intaan waa ka caqli badan yahay ee Farmaajo waa DAGAAL-OOGE SOO DAAHAY”.

Maanta ayaa ku beegan sanadguuradii afraad xilligii uu Magaalada Muqdisho ololaha Doorasho u yimid Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo in ka yar 20 maalmood ku noqday Madaxweynaha Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON