Tuesday, August 5, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad oo kashifay Sir cusub oo ku saabsan Kiiska C/kariin Qalbidhagax [Akhriso]

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka warbixiyay dadaal ay wadaan madaxda dowladda Soomaaliya oo ku saabsan kiiska Sarkaalka ONLF ee ay u gacan geliyeen Itoobiya.

Xildhibaanka ayaa kashifay sir ku saabsan qorshe ay wadaan madaxda dowaldda iyagoo doonaya in Sarkaalka laa dhigo nin isu dhiibay dowladda Itoobiya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

MUDANE MADAXWEYNE IYO MUDANE RA’IISUL WASAARE Soomaalidu waa ka gudubtay xiligii dacaayadaha lagu marin habaabin jiray!

Waxaa igu maqaalo ah shalay ilaa maanta in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu ka baryayeen Dowlada Itoobiya inay soo saarto warsaxaafadeed ay ku sheegayso in Abdikariim Qalbi Dhagax isku soo dhiibay heshiis dhex maray isaga iyo Dowlada Itoobiya. Dowlada Soomaaliyana ay fududeysay oo kaliya! Hadaba waxaa iga su’aal ah:

1. Abdikariim Qalbi Dhagax 3 sano ayuu joogay Mogadishu ee muxuu iskugu dhiibi waayay Dowlada Itoobiya?!

2. Abdikariim Qalbi Dhagax hadii uu xor ahaa maxay Gaalkacyo uga soo afduubteen oo isagu rabitaan kiisa ugu imaan waayay Magaalada Mogadishu oo markii hore uu ka tagay, rabitaan kiisana uga bixi waayay?!

3. Abdikariim Qalbi Dhagax haduu xor ahaa isaga rabitaan kiisana isku dhiibay maxay uga diideen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, mas’uuliyiintii ugu tagay ee ka codsaday inay soo arkaan, ayna kamidka ahaayeen: Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Xaashi Abdullahi, Senator Ahmed Xaashi Mohamud iyo Xildhibaan hore Mohamed Abdi Yusuf?!

4. Wareysigii Wasiirka Warfaafinta Itoobiya shalay siiyay VOA wuxuu ku sheegay in ninkaas oo katirsan “Urur Argagixiso ah” ay usoo gacan gelisay Dowlada Soomaaliya. Hadii rabitaankiisa uu isku soo dhiibay Qalbi Dhagax muxuu Wasiirku u sheegi waayay shalay?!

5. Ururkii uu ka tirsanaa Abdikariim Qalbi Dhagax waxay sheegeen in Dowlada Soomaaliya soo afduubtay si xoog ahna ugu dhiibtay Dowlada Itoobiya. Hadii sheegashada ONLF midka gedisan Dowlada Soomaaliya heyso maxay mar hore ula wadaagi weysay Umadda Soomaaliyeed?!

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ka rajeynaynaa inay Umadda Soomaaliyeed ee xadgudubta lagula kacay Qalbi Dhagax ay taabatay la wadaagaan jawaabaha su’alahaan iyo kuwa kale oo badan ee Dadka Soomaaliyeed isweydiinayaan!

Hon. Mahad Salad

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON