Sunday, July 13, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad oo weerar cusub ku qaaday Madaxweyne Lafta-gareen [Kursi dhiig leh ayaad hal sano ku maamul…]

Iyadoo ay baraha bulshada hareysay dood ka dhalatay hadal uu jeediyey Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo jawaab uu ka bixiyey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayuu mar kale xaaladda sii shiday xildhibaanka oo weerar cusub ku qaaday madaxweynaha K/Galbeed.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraalkiisii ugu dambeeyay ku sheegay inay waajib diini iyo dastuuri ah tahay inuu difaaco ama u hadlo qof kasta oo la dulminayo, uguna horeeyaan Shacabka reer Koonfur Galbeed, isagoo farriin u diray Madaxweyne Lafta-gareen oo uu ku eedeeyay inuu kursi dhiig leh muddo sanad ah ku xukumayey dadka K/Galbeed.

“Madaxweyne Lafta Gareen waxaan leeyahay hal sano ayaad kursi dhiig leh reer Koonfur Galbeed ku xukumaysay. Maalin gelinkeed ma iswaydiisay shacabkii adiga daraadaa loo xasuuqay iyo kuwa xorriyada laga qaaday ee xabsiyada dhex ceegaaga in aad xal u raadiso. Hadaad nin wax garta tahay Galmudug iyo dadkeeda haka daba meeraysan ee gaboodfalkii shacabkaaga loo gaystay ka garaab, kuwa xabsiyada kujirana xorriyadoodii u soo celi, dadkaagana la heshii..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Wuxuu kaloo farriin u diray Xildhibaanada isaga ku weerarray baraha bulshada isagoo u sheegay inay ka shaqeeyaan danaha bulshada Digil & Mirifle ee ay matashaan. Wuxuuna soo qaatay in Alshabaab laga xoreeyo degaanada K/Galbeed iyo in xorriyadooda loo soo celiyo dadka xabsiyada uga jira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON