Xildhibaan hore Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa mar kale loo doortay kursiga HOP049, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Kursiga waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdullahi Cabdi Guutaale, Jamiilo Cali Xayle iyo Cabdinuur Ciise Xiirey.
Natiijadii codeynta ayaa noqotay sida soo socota:
1- Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow wuxuu helay: 68 cod.
2- Cabdullahi Cabdi Guutaale wuxuu helay: 21 cod.
3- Jamiilo Cali Xayle waxay heshay: 5 cod.
4- Cabdinuur Ciise Xiireey ma helin wax cod ah, waxaa xumaay 3 cod.
Guddiga Doorashada Galmuudg ayaa ku dhawaaqay inuu Kursiga HOP#049 ku guuleystay musharax Mustaf Sheikh Cali Dhuxulow oo helay 68 Cod, iyadoo kooramka wuxuu ahaa 97 ergo.
