Waxaa maanta magaalada Garowe mar kale kursi xildhibaan kusoo baxday Sacdiyo Yaasin Xaaji Samatar oo ka mid ahayd xildhibaannada Baarlamankii 10-aad ee sida weyn uga horjeeday siyaasadii Maxamed C/llaahi Farmajo.
Sacdiya oo lagu yiqiin inay Firimbi ku dhex qaadato Baarlamaanka ayaa sheegtay inay kusoo baxday nasiib iyo calaf, kadib markii ay kursiga ku meteshay dadka Soomaaliyeed iyo Beesha ay kasoo jeedo.
Waxay sheegtay in Farmaajo iyo kooxdiisa ay mucaarad ku noqotay, kadib markii ay Dowlada Itoobiya u dhiibeen Halgamaa C/kariin Qalbi-dhagax, dalkana ay denbiyo waaweyn ka galeen.
“Dal kale haddii ay ka dhici lahaayeen waxa Soomaaliya ka dhacay Maxkamad ayaa xilligan la soo taagi lahaa Madaxweynaha ‘Farmaajo” ayey tiri Xildhibaan Sacdiga Yaasiin oo wreysi siiyey BBC-da, markii ay maanta ay ka mid noqotay Baarlamaanka 1-aad.
