Friday, June 27, 2025

Xildhibaan uga digay Madaxweyne Farmaajo inuu Baarlamaanka kala hadlo Heshiiskii Doorashada

“Haddii uu isku dayo Madaxweynaha inuu Sharciga Doorashada Keeno Baarlamaanka Firimbi iska dhaafe Durbaanno ayaa ku yeerinaynaa..”

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Cayaar-jecel ayaa uga digay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu Baaralmaanka kala hadlo heshiiska Doorashada ee uu la gaaray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

“Haddii Madaxweynaha isku dayo inuu nagala hadlo Berri arrinta doorashada awal Firimbi ayaa la yeerin jiraye Durbaano iyo wax ka daran baaralamaanka lala soo geli doono..” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire oo wax laga xumaado ku tilmaamay heshiiska Doorashada ayna horjeedaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xildhibaanka wuxuu caddeeyay inay nasiib darro tahay waxa ay dhoodhoobeen Madaxweynaha iyo Maamul Goboleedyada, ayna ku hor kufeen shacabka Soomaaliyeed, uga digayo inuu isku qaso kalsooni siinta Ra’iisal wasaaraha iyo Arrinta Doorashada.

“Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha iyo ciddii la talisa inaysan isku mataaneyn .. oo Ra’iisal wasaaraha aan la carqaladeyn, waxayse belo ka imaaneysa xildhibaannada oo aad u careysan inay hor keenaan heshiiska Doorashada..” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo wareysi siiyey Shabelle TV.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON