Madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sh. Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo.
Xasan Sheekh oo ay la socdaan xubno ka mida xisbigiisa ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo, waxaana garoonka uga hor yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo madaxda maamulkiisa.
Xasan Sheekh oo safarkan muddo dheer qorsheystay ayaa dib u dhac ku yimid marar badan, waxaana uu ku soo beegmayaa iyadoo khilaaf weyn uu ka dhaxeeyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa intii uu madaxweynaha ahaa waxaa khilaaf ba’an oo dagaal ka dhashay uu la galay dhismihii Jubbaland oo xilligaas loo arkayey maamul ay wadataan dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana sano iyo bar kadib lagu heshiiyey magaalada Adis ababa.


