Wednesday, July 2, 2025

Xildhibaanad iyadoon lala tartamin mar kale ka mid noqotay Baarlamaanka Cusub (Akhriso)

Kursigii labaad ee Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ayaa goor dhoweyd soo baxday, kadib markii ay tanaasushay musharaxii labaad ee kursiga u tartami lahaa.

Kursiga HOP#202 waxaa ku tartami lahaa xildhibaan Aamina Cumar Jaamac oo kursiga hore ugu fadhigay iyo Musharax Aamina Cusman Diiriye, balse musharax Aamina cusmaan ayaa shaacisay inay ka hartay tartanka, kanaa tanaasushay.

Guddiga Doorashada Somaliland ayaa cod kalsooni siin oo gacantaag ah u qaaday kursigan, waxayna natiijadii noqotay in xildhibaan Aamina Cumar Jaamac ay hesho cod gacantaag ah oo dhan 101 ergo oo ah dhammaan ergadii Doorashada.

Doorashadan Golaha Shacabka ayaa u muuqata inaan tartan ka jirin oo lasii ogyahay xildhibaannada soo baxaya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON