Xildhibaan Maareeye oo mar kale kusoo baxay Xildhibaan Golaha Shacabka iyo Natiijada Codeynta

Waxaa goor dhoweyd Xarunta Akadeemiyadda Booliska ee Muqdisho kusoo gabagaboobay doorashada Kursi ka mida Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, kaasoo kasoo jeeda Somaliland.

Kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#225 waxaan ku tartamay wasiir hore iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye oo 20 sano ku fadhiyey kursiga iyo wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo C/raxmaan Warsame Siciid, kaasoo la sheegay inuu isagu la yimid.

Natiijadii codeynta ayaa noqotay sidii la filayey in Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu heli dhammaan codadkii ergada marka laga reebo 3 cod, waxaana sidaa xildhibaan ku noqday Xildhibaan Maareeye.

Natiijada ayaa noqotay: Ergada codeysay waxay gaareysay 101, waxaa xumaaday 2 cod.

C/raxmaan Warsame Sicid = wuxuu helay 3 Cod

Maxamed Cabdi Xayir Maareye wuxuu helay 96 Cod.

Doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo dib u dhac weyn galay ayaa inteeda badan lasii ogyahay natiijada, waxaana ergada soo qorta Musharax gaara, taasoo xiiso la’aan ka dhintay Doorashada 2021/2022.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON