Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo sheegtay in Kiiska Ikraan Tahliil uu yahay ‘Afduub’

Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi oo ka mida mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay kiiska gabadha Ikraan Tahliil Faarax ee ka maqan Qoyskeeda, laguna tuhunsan yahay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Qoraal ay soo saartay ayey ku sheegtay inay xannuunka la qeybsanayso waalidka, walaalaha iyo qoyska walaasheen Ikraan Tahliil Faarax. “Ma jirto ereyo aan ku cabbiri karo sida ay u xannuun badan tahay in gabar 25 jir ah oo waxbaratay oo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqeyneysay, qofna aan denbi ka gelin la afduubto mar kaliya” ayeyna tiri xildhibaannada.

“Aad Ayaan uga xunnahay in anagoo joogna ay waxaas idinku dhacaan. Dalka wuxuu leeyahay Dastuur si cad u dhowraaya xuquuqda iyo amniga muwaadiniinta. Ka Xildhibaan Golaha Shacabka, ahaan waxaa na saarran mas’uuliyad ilaalinta Dastuurka Dalka. Iyo mataaladda shacabka . Qodobka 15aad ee Dastuurka wuxuu xarrimayaa waxkasta oo ku xadgudbaaya amniga, sharafka iyo xorriyadda qofeed” ayey qoraalkeeda ku tiri Xildhibaan Aamina.

Waxay caddeysay in kiiska Ikraan uu yahay afduub. “Sida muuqata Ikraan Tahliil Faarax waxaa lagu kexeeyay si ka baxsan rabitaankeeda oo u dhiganta “afduub”. Waxaan har iyo habeen ka shaqeyn doonnaa sidii Ikraan Tahliil Faarax loo soo heli lahaa- nolol ama geeri. Kuwii ka danbeeyay falka lagu “afduubtay”-na loo horkeeni lahaa caddaaladda haddii Alle idmo” ayaa ka mid ahaa qoraalka Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi Geelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON