Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah lagu wargeliyey inuu jiro kulankii 16aad ee kalfadhiga 5aad oo looga hadli doono sharciyo muhiim ah.
Ajendaha kulanka Berri ayaa kala ah: U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa, Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka iyo Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka, waxaana xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay olole ugu jirtaa in sharciyadan la ansixiyo inta aanay xildhibaannada fasax gelin aakhirka bisha Ramadaan.
Sharciga Batroolka ayaa la sheegay inuu yahay kan ugu muhiimsan ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre ay dadaalka ugu jirto in la ansixiyo, iyadoo ay ka hor yimaadeen maamul Goboleedyada dalka, waxaana ku xiran qorsheyaal ay wataan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.