Laba Xildhibaan oo ka mida Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ahaa Guddigii uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka umagacaabay xaaladda magaalada Laascaanood ayaa iska casilay, kana baxay Guddigaas.
Qoraal ay ku saxiixnaayeen xildhibaannnada kala ah: Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullahi Carab) iyo Cabdillaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad) ayey ku sheegeen inay iska casileen Guddiga, kadib markii ay tixgeliyeen dareenka Beesha Dir ee ay kasoo jedaan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKOODA
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Taariikh: 04/01/2023
Ku: Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
Ujeedo: Ka Bixid Guddiga
Anagga oo ka xun dhacdadii ka dhacday Magaalada Laascaanood waxaan tacsi u direynaa dadkii ku geeriyooday Magaalda Laascaanood inta ku dhawacantayna waxaan Alle uga baryeenaa inu caafimaad degdeg ah siiyo.
Waxaa baaq nabadeed u direynaa Maamulka Soomaaliland iyo shacabka Laascaanood in ay nabadda ka shaqeeyaan, wixii farqi ah ee jirana wada hadal lagu dhameeyo.
Annaga oo ah Xildhibaanada hoos ku saxiixan oo ka mid ah Guddiga gaarka ah oo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS U magacaabay in ay ka soo war bixiyaan xaaladda Magaalada Laascaanood, markii aanu tixgelinay dareenka Xildhibaanada beelaha Direed waxaan go’ansanay in aanu iska casilno ka mid ahaanshada Guddiga.
1. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullahi Carab).
2. Cabdillaahi Cabdi Maxamed (Geel-qaad)
