Waxaa maanta magaalada dhuusamareeb ee xarunta Galmudug lagu doortay afar xildhibaan oo ka mida Golaha shacbaka Baarlamaanka Federeaalka Soomaaliya.
Natiijada kuraastan ayaa u dhacday sidii hore loo saadaaliyay, markii tartan aan xiiso badneyn ay galeen musharixiinta loo ogolaaday inay tartamaan, waxayna natiijadii noqotay sida soo socota:
Kursiga HOP139: waxaa kusoo baxay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna, iyadoo uu hore ugu fadhiyay Cabdixakiin Macalin Axmed oo cod gacantaag ah 101 ergo kusoo, markii ay tartanka ka hartay Xamdi Cali Shire oo la tartami lahayd.
Kursiga HOP49: Waxaa kusoo baxay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo kursiga hore ugu fadhiyay, isagoo helay 68 cod, waxaana la tartamay Cabdullaahi Cabdi Guutaale oo helay 21 cod, Jamiilo Cali oo heshay Xayle 5 cod iyo Cabdinuur Ciise Xiireey oo aan wax cod ah helin, waxaana xumaaday 3 cod.
Kursiga HOP51: waxaa kusoo baxay Xuseen Maxamed Nuur oo mar soo noqday guddoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir, isaga oo helay 81 cod, halka musharrixii la tartamay ee Maxamed Geedi Cawaale uu ka helay 14 cod. Kursigan waxaa hore ugu fadhiyey Xildhibaan Xasan Macalin.
Kursiga HOP61 waxaa ku cod gacan taag ah 101 ergo kusoo baxay Dayax Axmed Cumar, kadib markii uu tartanka ka haray musharrax la tartami lahaa Cabduqaadir Abuukar Cabdi. Kursigan waxaa hore ugu fadhiyay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare.
Xildhibaankan ayaa noqday xildhibaankii 100-aad ee laga doorto Golaha Shacbaka Baarlamaanka 11aad oo gaaraya 275 mudane, waxaana xilliga loo qabtay doorashada ka harsan 22 maalmood.
