Sunday, July 6, 2025

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo la dhaariyey iyo Guddoomiye KMG ah oo ay doorteen [Daawo]

Waxaa maanta  magaalada Garowe lagu dhaariyey Wakiilada cusub ee Baarlamaaka Puntland oo dhalay lagu dhawaaqay markii ay soo xuleen isimada degaanadaasi.

Munaasabadda dhaarinta xildhibaannada cusub ee Puntland ayaa ka dhacday Xarunta Golaha Wakiilada, waxaana dhaarisay Maxkamadda Sare ee Puntland, iyadoo loo qeybiyay Kaararka Aqoonsigooda.

Golaha cusub ayaa 3-da Janaayo 2019 dooran doona Guddoonkooda, iyadoo kadibna 8-da Janaayo ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Waxaa guddoomiyaha kumeelgaarka ah ee Golaha Wakiilada Puntland loo doortay Xildhibaan Xuseen Xaaji Yaasiin oo noqday qofka ugu da’da weyn, wuxuuna xilkan sii haynayaa inta laga soo dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha.

Ammaanka xarunta Barlamaanka Maamulka Puntland  ayaa aad loo adkeeyay iyadoo gabi ahaanba la xiray wadooyinka soo gala xaruntaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON