Thursday, April 25, 2024

Xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ee taageersan Madaxweyne Farmaajo oo ka hor yimid Qoraalkii Cabdi Xaashi

Qaar ka mida Xildhibaannada iyo Wasiirada kasoo jeeda Somaliland ee taageersan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hor yimid Qoraal shalay kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaahsi C/llsshi oo lagu caddeeyay inuu soo magacaabayo Guddiyada Doorashada ee Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland. (Akhriso)

Xildhibaanadan oo ay ka dhex muuqdeen wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Dastuurka Saalah Jaamac oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inuu shirkii Dhuusamareeb 1,2,3 ka qeyb gelin Cabdi Xaashi, iyaduna uu ku metalay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana aanu jirin sharci u ogolaanaya inuu soo magacaabo Guddiyada Doorashooyinka ee 2020/2021.

War-saxaafadeed ay so saareen xubnahan oo ku dhowaa 10 ayuu saxaafada u akhriyey Xildhibaan Guuleed Ceyndaruus Cige, waxaana uu sheegay inuusan jirin heshiis siyaasadeed oo dhexmaray Xildhibaanada labada Golle, Xukuumadda iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi. Waxayna taageereen inay Gddiyadaasi soo magacawdo xukuumadda.

Ad

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo la wareegaya magacaabidda Guddiyada Doorashooyinka ee Somaliland (Akhriso)

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan uu soo abaabulay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo olole ugu jira inay xukuumaddu soo magacawdo Gudiyada Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland, halka Guddoomiyaha Aqalka sare ay taageersan yihiin madaxda xisbiyada mucaaradka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON