Friday, June 27, 2025

Xildhibaanada Mucaaradka Dowladda Somalia oo Kismaayo u tegay taageerada Axmed Madobe (Sawirro)

Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee KMG ah ee Jubbaland xildhibaannada Mucaaradka ku ah dowladda Somalia ee ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadan oo ka tirsan xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa tiradoodu ahayd dhowr iyo tobanm, waxaana Kismaayo uga sii horeeyay xildhibaanno kale oo saaxiibadood ah oo si buuxda u taageeray maamulka Axmed Madoobe iyo doorashada ay wadaan Guddiga Doorashada ee uu magacaabay.

Waxaa isla maanta gaaray magaalada Kismaayo Senator C/raxmaan Farool oo ka tirsan Aqalka sare, waxayna ujeedka xildhibaannadan tahay inay goobjoog ka noqdaan doorashada Garabka Axmed Madobe ee Kismaayo ka dhaceysa 19-ka bishan.

Image may contain: 7 people, people standing
Image may contain: 11 people, including Cabdiraxmaan Yusuf Cadaala, people smiling, child, shoes and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON