Xildhibaanno ka tisan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta laga qaaday xasaanadii ay lahaayeen, iyadoo lagu soo eedeeyay dembi ayu ka galeen maamulka K/Galbeed.
Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa cod u qaaday oo xasaanadii ka xayuubiyay saddexda xiildhibaan markii la sheegay in Xafiiska Xeer ilaalinta K/Galbeed ay kusoo ku edeysey inay ku kaceen fal kicin bulsho.
Xildhibaannada maanta xasaanadda laga qaaday ayaa dhowaan Maamulka Koofur Galbeed ku eedeeyay inuu ku fashilmay arrimaha amniga, cadaaladda, kuna sifoobay musuqmaasuq iyo in koox gaara ku tagri fasho awooddaha maamulka uu hoggaamiyo C/casiis Lafta-gareen.
Xildhibaanada xasaanada laga xayuubiyay ayaa ka ah:
1- Xildhibaan Ismaacil Ahmed Cabdullahi
2- Xildhibaan Xasan Maxamed Guudow
3- iyo Xildhibaan ibraahim Macalin Cali.
