Xildhibaannada uu gudoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday ka joojiyey kulamada Baarlamaanka ayaa shaaciyey in ciidamada xarunta Barlamaanka la keenay ay ahaayeen kuwo dhar-cad ah oo uu hoggaaminayo sarkaal kasoo goostay Alshabaab.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay shirkii jaraa’id ee xildhibannadan ayaa sheegay in ciidamada uu dalbaday Maxamed Mursal, sida uu u sheegay markii ay u tageen si ay wax uga weydiiyaan kulankii Sabtida ee buuqa ku dhammaaday.
“Ciidamada dharcadka ah ee la keenay Baarlamaanka Shalay waxaa wtaay nin la yiraahdo ‘Shakiib’ oo hore shabaab u ahaan jiray. Isagoo dagaalamaya oo dhaawac ah ayaa laga soo qabtay Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu xiray Xabsiga Dhexe, kadibna waxaa loo sii gudbiyey xerada Sarendi oo lagu xiro dadka Shabaabka ah; halkaas ayaa laga soo saaray, kadibna waxaa loo qaatay ciidamada Nabadsgidda. Wuxuu Shabaab u qaabilsnaan jiray dilalka qorsheysan ee dadka mas’uuliyiinta ah lagu laayo. Wuxuu si toos ah oo ugu xiran yahay taliyaha Nabadsugidda, wuxuuna u qaabilsan yahay howlgallada gaarka ah, waa markii labaad oo isaga iyo ciidamada uu wato la keenayo Golaha Shacabka ciidamada uu wado waxaa ka mid ahaa Ciidamo Shabaab ka yimid oo ku xareysnaa Sarendi oo Bistoolado loo qeybiyey..” ” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo faahfaahin ka bixiyey ciidamada dhar-cadka ee la geeyo Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu dalbaday ciidamo dhar-cad ah oo la geeyo xarunta Villa Hargeysa, iyadoo laag cabsi qabo in Berri oo kulan kale la isugu yeeray Baarlamaanka mar kale la geeyo ciidamadan.
