Friday, April 19, 2024

Xildhibaanno kasoo jeeda Puntland oo shaaciyey inay la xisaabtamayaan Wasiir Goodax, baaqna u diray Madaxda Dowlada.

Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda degaanada Puntalnd ayaa u jawaabay Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay tallaabo ka qaadaan arrintan.

Warkii kaso yeeray Wasiir Goodax ayey ku tilmaameen inuu gef ahaa, kuna haboobeyn xaaladda taagan, waxayna war-saxaafadeed kasoo baxay ku sheegeen in wasaarado badan oo ka tiran xukuumadda Federaalka ay Puntland kula shaqeeyaan is-faham iyo wada-tashi, balse wasaaradda Waxbarashada ay ku fashilantay arrintaas.

Ilaa 8 Xildhibaann oo kasoo Puntland ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ugu baaqay inay go’aan ka gaaraan arrintan, ayna saaran tahay mas’uuliyadda dhibaatada taagan.

Ad

Xildhibaanadan ayaan so hadal qaadin warkii kasoo yeeray Senator C/raxmaan Faroole uu ku weerarray wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre.

Qodobadda War-Saxaafadeedka waxaa ka mid ahaa:

1:- Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed waa xaq dastuuri ah oo laba taabtaan ah sida ku cad qodobka 30.aad ee datuurka KMG ah ee Somalia,isla markaana aysan dhici karin in Magaca dowladda ay mas’uuliyadda Wasaaradda Waxbarashada si qaldan u isticmaalaan.

- Advertisement -

2:- Majiraan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo ka qeyb qaadan waayey xalinta arrintaan,balse uu jiro doorweyn ay ka qaateen si xal loo gaari lahaa,iyaga oo la kulmay Wasiir Goodax Barre iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland.

3:- In Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya uu burburiyey howlihii dhex dhexaadinta aheyd oo ay wadeen,isla markaana aysan iyagu maqal Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Puntland u tegay Arrimaha khilaafka.

4:- In aan ula xisaabtameyno Wasiir Goodax Arrintaan uu sameeyey anaga oo adeegsaneyna awood Datuuri ah ee la xisaabtanka Golayaasha sida ku ad farqada labaad xarfka B-C ee qodobka 69aad ee Dastuurka KMG ah.

5:- In aan la kulmeyno Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare kheyre oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhacdadaan mugdiga gelineysa Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

6:- In Ardayda iyo Waaldiinta Soomaaliyeed ay naga war sugaan,isla markaana arrintaan ay wax wanaagsan ku dhamaan doonto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON