Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Cayaar jecel) ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray u tartanka kursiga uu ku fadhiyey ee HOP89.
Isagoo ka hadlay magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu go’aansaday inuusan u tartamin ka mid noqoshda Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, isagoo taasi sabba uga dhigay inuu diiday diiday Doorashada dadban iyo in la baalmaray habraacyadii lagu heshiiyey ee Doorashada.
Xildhibaanka oo dhinac fanka kasoo galay Baarlamaanka ayaa ahaa Qurbejoog ayaa metala Beesha Wagardhac/Mareexaan, wuxuuna ku dooday in sida ay Doorashada ku socoto aanu dooneyn inuu qeyb ka noqdo.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Cayaarjecel uu dareemay inuusan kusoo baxeynin Doorasho uu utago magaalada Dhuusamareeb, balse uu sheegay inuusan aaminsaneyn Doorashada dadban.
Wuxuu uga digay maamulka Galmudug inay ku takri falaan kursiga Beeshiisa oo haddii lagu xadgudbo uu caddeeyay inuu dhalin karo colaad.
