Monday, June 23, 2025

Xildhiban Jeesow oo u jawaabay Axmed Madoobe: “Kismaayo adigoo Meyd & Dhaawac wata ayaad ka baxeysaa” [Daawo]

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay Madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn dib u doorashadiisa.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in hadalkii shalay kasoo yeetay uu ahaa mid aan la qaadan karin oo caddeyn u ah sida Axmed Madoobe xoog ugu heyso Kismaayo oo mar kaliya maahee dhowr jeer uu dagaallo ku galay, ugu dambeyntiina uu ciidamada Kenya la socday.

“Axmed Madoobe wuxuu Kismaayo ka bixi doonaa isagoo meyd iyo dhaawac wata…” ayuu yiri xildhibaan Jeesow oo ku eedeeyay falal ka baxsan Bani Aadanimada, isagoo sheegay in 7 kiis oo dacwad ah Axmed Madoobe ay ka yaallaan Maxkamadda Sare ee Dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON