Monday, June 23, 2025

Xildhiban Mahad Salaad: “Madaxweyne Farmajo waa inuu umadda hor yimaado oo sheego waxa uu Kenya kula heshiiyay”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey heshiis ay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen Nairobi oo siyaabo kala duwan u dhigeen Madaxtooyada Somalia iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.

“Madaxweyne Farmaajo cid ka akhrisanaysa ma jirto inuu dhuunto ee inta Ummadda hor yimaado ha u sheego waxa uu Kenya kula heshiiyay!.. Warsaxaafadeedka galabta ka soo kala baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya waxa lagu sheegay in labada Madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ku heshiiyeen in arinta dacwada Badda ee taala Maxkamadda Cadaalada Adduunka (ICJ) lagu xaliyo hab labada dhinac wada ogol yihiin..” ayuu yiri Xildhibaan oo taas micnaheeda ku sheegay in dacwada Badda la soo celiyo kadibna wada hadal lagu xaliyo.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa baaq dalabkan u diray Madaxweyne Farmaajo: “Waan aragnay mowqifka rasmiga ah ee dowlada Keny;a waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Farmaajo inuu Ummadda hor yimaado runtana ka sheego waxa dowlada Kenya uu kula heshiiyay. Arintaan waa arin masiiri ah oo qaranimada Soomaaliya taabanaysa, mana jirto cid ka aqrisanaysa Madaxweynaha inta qolkiisa hoosta ka xirto in aamusnaan iyo dhuumasho uu Ummadda ku siro!..”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON