Sunday, July 13, 2025

Xildhiban Mahad Salad: “Laamaha Amniga waxaa la amray inay qariyaan qasaaraha, Alshabab-na shirko ayaa lagula yahay..”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheeay in qasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelka SYL uu ka badan tahay inta ay shaacisay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Booliska, wuxuuna ku eedeeyay dowladda inay qarineyso qasaaraha.

“Warsaxaafadeed ay soo saareen Ciidanka Boliiska Somaaliyeed ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay maleeshiyaadka Alshabaab ku qaadeen Hotel SYL ay ku dhinteen 3 qof shacab ah iyo 2 askari. Sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 11 qofood. Ilaa hada xogta aan ka helnayno Isbitaalada Mogadishu waxay sheegaysaa dhimashada iyo dhaawaca in intaas aad uga badanyihiin…” ayuu yiri xildhibaan Mahad Saaad.

Wuxuu soo qaatay qodobo muujinaya in Alshabaab lala abaabulo weerarrada ka dhacaya Muqdisho, isla markaana dhibaatada xalay ka dhacday Hotel SYL iyo weerarro hore aysan Alshabaab keli ku ahayn, sababaha soo socda dartood:

1. Hotel SYL wuxuu ku yaalaa irida Madaxtooyada. Dhowr boqol oo tilaabo ayuuna u jiraa hoyga Madaxweyne Farmaajo. Aniga Xildhibaanka ah dhowr barood oo ciidamada amnigu joogaan ayaa la’igu hubiyaa kahor inta aanan gaarin goobtaas marka yaa geeyay nimankaan hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?

2. Weerarkii xalay waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay dad isugu jiray shacab, ciidamo iyo mas’uuliyiin dowladeed. Laamaha amniga waxaa la amray in ay qariyaan qasaaraha dhimasho, dhaawac iyo burburka hantiyadeed ee weerarka ka dhashay si aan loo ogaan. Ilaa hadana warbaahinta looma ogolaanin in ay tagaan goobtii dhibku ka dhacay. Marka cadowga ku dilaya iyo midka adigoo dhiban dhibaatada kugu duugaya maxay ku kala duwanyihiin hadii aan shirko lala ahayn Alshabaab?

3. Weeraro badan ayaa magaaladaan ka dhacay mudadii Madaxweyne Farmaajo talada dalkaan hayay. Dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dhowr kun ayay kor u dhaafayaan. Waa dhif iyo naadir Madaxweynuhu ummadda inta hor yimaado in uu uga tacsiyeeyo dhibaatada soo gaartay ee naf iyo maalba leh halka HABAR ama ODAY GAAL ah hadii cirifka ugu danbeeya dunida ay ku dhimtaan isla saacadahaas loo tacsiyaynayo. Marka maxaa loo hagranaya shacabkii mas’uulka laga ahaa hadii dhiigooda aan shirko lagula ahayn Alshabaab?

4. Alshabaab hada waxay canshuur xad dhaaf ah ka qaadaan Dekada, Ayraboorka, Suuqayada, Dukaamada, Gaadiidka iyo Guryaha la deganyahay ee magaalada Mogadishu, dowladu waa ogtahay ilaa hadana hal tilaabo dhankooda looma qaadin si shacabkaan la baadayo hantidooda loo badbaadiyo marka sidee arintaani ku dhacday hadii aan shirko lagula ahayn Alshabaab?

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON