Madaxweynaha cusub ee markii labaad xilka loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ugu horeyay u magacaabaya senator hore oo kasoo jeeda maamulka K/Galbeed.
Wararka ku dhow Madaxweynaha cusub ayaa sheegaya in Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen loo magacaabayo saacadaha soo socda Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, xilkaasi oo xilligii Farmaajo ay isaga danbeeyeen ilaa 7 agaasime.
Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ayaa hore u ahaa sanator ka tirsan baarlamaankii 10-aad, waxaana inuu mar labaad tartamo ka hor istaagay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen, isagoo ka mid ahaa xisbiga UPD ee Xasan Sheekh hoggaamiyo oo uu ka hayey xilka guddoomiye ku xigeen.
Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu maanta shaaciyo mas’uuliyiintii ugu horeysay ee uu magacaabayo, kadib markii uu xilka la wareegay.