Dowladda Soomaaliya ayaa la shaaciyay xilliga ay soo bandhigeyso warbixin weerarkii Qaraxa ahaa ee 14-kii bishan kadhacay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in caawa ay dowladda shaacin doonto xogta rasmiga ah ee ku saabsan qaraxii ka dhacay KM5 ee Magaaladda Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya C/raxmaan Yariisow ayaa laga soo xigtay warkan inkastoo wasaaradda Amniga aanay weli ka hadlin arrintan.
Saxafiyiin iyo warbaahinta Ingiriiska ayaa saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka u dusiyeen macluumaad ku saabsan weerarka, kuwaasoo sheegay in ninka is-miidaamiyay uu ahaa askari hore uga goostay ciidamada dowladda.