Monday, July 14, 2025

Xiriirka Itoobiya & Masar oo meel halis ah gaaray & Masar oo Dacwad geysay Golaha Amniga

Kadib fashilkii ku yimid wadahadalkii saddex geesoodka ahaa ee Masar, Itoobiya iyo Suudaan, kuna saabsanaa biyo xireenka weyn ee Itoobiya ayaa waxaa meeshii ugu xumaa gaaray xiriirka labada dal.

Masar oo eedeyn is daba joog ah u jeedisay Itoobiya, kuna adkeystay inaysan Itoobiya buuxin karin biyo xireenka Grand yadoo aan heshiis laga gaarin ayay Itoobiya uga jawaabtay in lasoo dhaafay waqtigii hal dal uu keligii ka faa’iideysan jiray biyaha Webiga Nile oo kasoo bilowda Itoobiya.

Masar ayaa qaadtay tallaabo kale oo ay dacwad ka dhan ah Itoobiya ugu gudbisay Golaha Ammaanka Q/Mdoobay, oo ay dooneyso inuu so dhex galo arrintan labada dal oo meel halis ah mareysa.

Itoobiya ayaa lgu wadaa inay dhowaan bilowdo buuxinta biyo-xireenkan oo noqonaya kan ugu weyn Afrika oo dhalin doona koronto badan oo gaari doonta dalal dhowr ah.

Wasiirka Arrimaha Debadda ee Ethiopia, Gedu Andargachew, ayaa sheegay in dalkiisu uu bisha soo socota bilaabayo in uu buuxiyo biya-xireenka ay dowladda Ethiopia ka dhiseyso Wabiga Nile, xittaa haddii aan la gaarin wax heshiis ah.

“Qassab naguma ahan in aan heshiis gaarno ka hor inta aan la bilaabin buuxinta biya xireenka, sidaas darteed waxaan bilaabeynaa hannaanka buuxinta biya-xireenka, xilliga roobabka ee foodda nagu soo haya,” ayuu yiri.

Labada dal ee Masar iyo Ethiopia ayaa ka dhawaajiyay tallaabooyin ay ku ilaashanayaan danahooda, iyadoo khubaradu ay ka digayaan in haddii ay wadahadalladu burburaan laga yaabo in taasi ay keento dagaal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON