Tuesday, June 24, 2025

Xisbigii Cusbaa ee Xasan Sheekh oo magacii lagu qabsaday iska bedelay [Akhriso Magaca cusub]

Waxaa isbedel degdeg lagu sameeyay magaca xisbigii dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore xildhibaan Xasan Sheekh Maxamud.

Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh oo magaciisa lagu sheegay: “Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyada” ayaa waxaa ku qabsaday oo Dacwad ka qoray wasiirka Dastuurka maamulka K/Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan oo ku dooday inuu magacaasi isagu lahaa, iyadoo xisbigiisu ahaa: “Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed -SPDU”.

Haddaba 48 saac kadib marrkii xisbiga lagu dhawaaqay loona bixiyey: Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda -UPD, iyadoo ay ku midoobeen isbigii Daljir Xildhibaanadii Qabyo ayaa maanta mar kale la shaaciyey in la bedelay magaca Xisbiga, iyadoo laga dhigay: “Midowga Nabadda iyo Horumarka”- Union For Peace and Development- UPD.

Waxaa la sheegay in mar kale maalinta Khamiista la qaban doono  Munaasabad lagu dhawaaqayo Xisbigan cusub oo magaca cusub wata, iyadoo la caleema saari doono Guddoomiyaha KMG ee lixda bilood ee socota Xasan Sheekh Maxamuud.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON