Sunday, July 13, 2025

XOG: Abshir Bukhaari oo hoggaaminaya ololaha looga horjeedo Xukuumadda [Dagaal siyaasadeed socda]

Dagaal siyaasadeed oo aan waxba la iskula harin ayaa dhex maray Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Baarlamaanka iyo Wasiirka xukuumada Kheyre.

Loolankan ayaa salka ku haya qabsoomidda shirka Aqalka sare ee lagu wado in maanta ay yeesheen xildhibaannada Aqalka sare, kaasoo la shaaciyay in looga hadlayo arrinta Kiiska sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya u dhiibtay dowladda Itoobiya.

Guddoomiye ku  xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa hadda hoggaaminaya ololaha lagu doonayo in lagu rido xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo uu kasoo shaqeeyay in Aqalka Sare uu arrintan soo dhex galo xilli ay hortaallo Golaha Shacabka.

Abshir Bukhari ayaa la sheegay in xalay oo dhan uu ku howlahaa qancinta senator-ada Aqalka Sare si kulankaasi u qabsoomo, halka wasiirada xukuumadda ay ku howlanayeen qorshe kale oo loga hortegayo kulanka.

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa Goobjooge.net u sheegay in Abshir Bukhaari oo dhinaca kale ah milkiilaha Warbaabinta Goobjoog uu dhowr jeer la soo xiriiray si uu ugu tirtirsiiyo inuusan ka baaqan kulanka, halka wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre ay iyaguna lasoo xiriireen.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari oo qaab beel ahaan ah uga horjeeda Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay kordhiyay ololaha la doonayo in lagu rido xukuumadda, waxaana ololahaas qeyb weyn ka ah Warbaahinta uu leeyahay ee Goobjoog.

KASHIFAAD: Yaa ka danbeeya Moohinka Aqalka Sare laga geeyay Ra’iisal Wasaaraha..?

 

KASHIFAAD: Kursigii ugu qaalisanaa Aqalka Sare & Kharashka khiyaaliga ah ee ku baxay..!!

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON