Saturday, July 19, 2025

XOG: Agaasimaha NISA oo Amarro dul dhigay ku xigeenadiisa & Muran ka taagan shaqo joojintii lagu sameeyay

Agaasimaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), wuxuuna dul dhigay amarro adag.

Amarrada la dul dhigay labada ku xigeen ee Hay’adda Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa waxaa ka mida insyan geli karin xafiisyadooda iyo Xarunta NISA inaysan wax shaqo ah qaban karin ilaa amar danbe iyo inaysan magaca Hay’adda wax dhaqdhaqaaq ku sameyn karin sida dhaqaale, ciidan iwm.

Labada ku xigeen iyo agaasimaha NISA oo tan iyo markii la magacaabay aan isku wanaagsaneyn, isla markaana shaqo ahaan xayiraad lagu soo rogay ayaa la filayey inuu xilalka ka qaado wasiirka Amniga, waxaase kasoo hormartay shaqo ka joojintan oo wararku sheegayaan in lagu daboolayo weerarradii Alshabaab dhowaan ku qaaday xarumaha Otto Otto iyo baraha laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Muran ayaa ka taagan shaqo joojinta Agaasimaha NISA Xuseen Uurkuusa u sameeyay ku xigeenadiisa oo sharci ahaan la sheegay inaysan ansixin, iyadoo agaasimaha iyo ku xigeenadiisa ay isku darajo yihiin oo hal meel laga wada magacaabay, waxayna arrintan caddeyn kale u tahay sida ay isu dhex yaacsan yihiin hay’adda dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON