Monday, June 23, 2025

XOG: Ahlu Suna oo la timid musharax u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, kadib heshiis looga baxay…

Iyadoo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ay maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeesheen xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa la galay xillgii ugu adkaa ee ololaha doorashada maamulkaasi.

Jagooyinka Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ayaa dhammaantood waxaa ku loolamayo beelo awood qeybsi ahaan loogu cayimay, laakiin waxaa doorashadan ku cusub in xilka madaxweynaha ay isu sharxeen beelo ka baxsan kuwii hoos ahaan loogu calaamadeeyay.

Ahlu suna oo ugu danbeyn ogolaatay inay qeyb ka noqoto maamulka cusub ee Galmudug markii ay ku yeelatay 20 xildhibaan ayaa rajo kale ka qabtay inay hesho xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug, kaasoo ay usoo sharxeyso xildhibaan kasoo jeeda beelaha ku tartamaya, laakiin waxay wararku sheegayaan inay arrintaasi ay adkaatay, taasoo keenay inay qorsheyaal kale la timaado Ahlu suna.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadata laba musharax oo xoog leh, kuwaasoo u taagan xilka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, laakiin waxaa ka hor imaan kara cadaadis haddii ay is baheystaan xubnaha kasoo horjeeda oo dhan.

Ahlu suna oo hadda u muuqatay inaysan heli karin xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa wada qorshe ay ku soo sharxeyso qof u tartama xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna wadataa xildhibaan ay isku jufo yihiin Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo lagu magacaabo Cabdi Maxamuud Fiidow.

Halista heysata Alhu suna ayaa ah in xildhibaannada Galmudug oo dhan aysan taageero ka heysan, iyadoo sidoo kale qaar ka mida xildhibaanadii ay soo xushay ee 20-ka ahaa lasoo weriyey inaysan u daacadu ahayn Ahlu suna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON