Sunday, July 13, 2025

XOG: AMISOM oo caddeysay inaysan ka qeybgaleynin Dagaalka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Saraakiisha sare ee Midowga Afrika iyo AMISOM ayaa si cad u sheegay inaysan ciidamada AMISOM diyaar u ahayn xilligan dagaal ay ku qaadaan Alshabaab iyo inay qeyb ka noqdaan dagaalka uu shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulan dhex maray Golaha Amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayay saraakiisha AMISOM ku caddeyeen inaysan qeyb ka noqon karin guluf dagaal.

Arrintan ayaa salka ku heysa iyadoo  khilaaf ka dhaxeeyo AMISOM iyo dalalka Midowga Yurub oo bixiya kharashka ciidamada AMISOM, waxayna dalalka ciidamada ku leh AMISOM ay in muddo ah cadaadis ku hayeen Midowga Yurub si uu u kordhiyo kharshka uu siiyo AMISOM, taasoo keenay is-faham darro labada dhinac soo dhex gashay.

Dagaal ay qaadaan AMISOM ka sokow waxay bilaabeen qorshe ay uga baxayaan gobollada qaarkood, arrintan oo ciidamo ka imaanaya itoobiya ay ka caawinayaan AMISOM inay ka baxdo degaano dhowr ah.

Waxaa xaalada hubanti la’aan ah ka dhalatay dagaalkii uu dhowaan ku dhawaaqay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo AMISOM ay ku howlan tahay in ciidamadeeda kala baxdo gobolladii la filayay inay weerarradu ka bilowdaan.

Ciidamada Itoobiya ee u soo galay Soomaaliya inay sugaan ciidamada AMISOM ee ka baxaya gobollada qaarkood ayaa la sheegay inay muddo dhowr bilood ah howsha la wareegi doonaan, sida ay codsatay dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON