Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay tallaabadii ugu horeysay oo ay isku siinayaan awoodo aanay ahayn oo u gaar ahaa Golaha Shacabka.
Shalay ayay ahayd markii ay xildhibaanada Mooshin ay iyagu qorteen isku raaceen inay qeyb ka noqdaan ansixinta Miisaaniyadda dowladda Federaalka, iyadoo dhammaan 30 senator oo ku sugnaa shirkii shalay ay u codeeyeen inay wax ka bedalka heer hoosaadka aqalka, oo ay qeyb ka noqdaan ansixinta miisaaniyadda qaranka.
Qodobkii labaad ee ahaa Aqalka sare awood isu siiyo ansixinta xukuumadda iyo ridisteeda oo mooshin ay ka keeni karaan ayaa dood dheer ka dhalatay iyadoo ay keentay in lagu kala qeybsamo, waxaana la isla gartay in dib loo dhigo.
Tallaabooyinka Aqalka Sare ku dhaqaaqay ayaa keenay su’aalo ku saabsan sharcinimadooda iyo in mooshin ay dhexdooda keeneen uu wax ka bedeli karo awoodaha Dastuurka dalka ee KMG ah ugu qoran.
HOOS KA AKHRISO AWOODAHA AQALKA SARE EE DASTUURKA KMG AH SIIYEY:
Goobjooge