Askar ka tirsan ciidamada Booliska iyo NISA ayaa u xiran kiiskii baxsashada Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Buur (Janan) oo 28 Janaayo uu Booliska shaaciyey inuu ka baxsaday goobtii lagu heyay ee magaalada Muqdisho.
Askartan kiiskan loo heysto ayaa kala ah afar askari oo laba ka mida ay Boolis yihiin, halka labada kale ay ka tirsan yihiin ciidamada Nabadsugidda, waxayna ku wada xiran yihiin xarunta Baarista Nabadsugidda ee magaalada Muqdisho.
Ehelada askartan ayaa walaac ka muujiyey xaaladda askartan iyo qaabka loo xiray, waxaana laga soo weriyay, inaysan askartaasi ogeyn waxa ay ilaalinayeen markii Taliyaha qeybta Bari uu geeyay Guri ku yaalla Degmada Shibis, halkaasi uu amray inay ilaaliyaan maxbuus ku jira, kadibna maalintii xigtay loo xiray inuu baxsaday maxbuuskii.
Labada askari ee Booliska oo kiiskan loo xiray ayaa lagu kala magacaabaa Shuceyb Xasan Yuusuf iyo Maxamed Axmed Xasan, waxayna ka tirsanaayeen saldhigga Booliska Degmada Shibis, iyagoo waqti kooban ku sugnaa Guriga la sheegay inuu ka baxsaday C/rashiid Janan.
Arrinta la yaabka leh ayaa ah in ciidamo Boolis ah ay u xiran yihiin Hay’adda NISA, booliskuna aanu wax tallabo ah qaadin; wuxuuna xarigooda galay toddobaadkii saddexaad, mana jiro muddo 15 maalmood ah wax maxkamad ah oo lasoo taagey, waxayna wararka qaar sheegayaan in kiiska askartan lugaha loo geliyey ay saraakiil kale doonayaan inay ku saan-tirtaan.
Saraakiisha Nabadsugidda ee gacanta ku haya askartan ayaa ehelada askartan u sheegay inaysan awood u lahayn sii heynta askartan, basle aysan jirin qaab ay u sii daayeen ama cid ay ku wareejyaan.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaabki uu ku baxsaday C/rashiid Janan iyo sababta keentay in Guryo lagu hayo, halkii xabsi dowladeed lagu xiri lahaa, waxaana C/rashiid Janan laftiisa uu sheegay in saraakiil sare ay kala shaqeeeyeen baxsashadiisa.